Xulka kubadda cagta Hirshabeelle oo kulan dhirgelin ah loogu sameeyay Muqdisho.

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula |)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowalada Gobaleedka Hirshabeelle Cabdi kariin Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowalada Gobaleedka Hirshabeelle ilyaas Yuusuf Ibraahim ayaa kulan dhiirigelin ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho Xulka kubadda Cagta Hirshabelle.

Ciyaartoydaan ayaa ka qeybgali doona tartanka kubadda cagta ee maamulgoboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir kaasi oo dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud