Xulka Netherlands Oo Iska Xaadiriyay 8 Dhamaadka Koobka Adduunka,

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xulka Netherlands ayaa guul weyn ka gaadhay xulka USA iskana xaadiriyay wareega 8 dhamaadka koobka adduunka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Xulka Tababare Louis van Gaal ayaa si fiican u ciyaaray una awood sheegtay xulka USA kuwaas oo aan khibrad fiican u lahayn wareega ay ciyaarayeen.

Xulka USA ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta waxana ay Netherlands ku qaadayeen weeraro ay ku halis galinayeen daafaca xulka Netherlands.

Daqiiqadii 10-aad ayuu xulka Netherlands dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Memphis Depay kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka Netherlands ayaa sii waday dadaalka iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ku dilanayaan.

Daqiiqadii 45-aad ayuu xulka Netherlands dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Delay Bilnd kas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Netherlands ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Netherlands u awood sheegtay xulka USA kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin.

Qaybta dambe ayuu xulka Netherlands maamulayay iyaga oo bilaabay in ay iska ilaaliyaan soo laabasho la yaab leh.

Xulka USA ayaa daqiiqadii 76-aad daliyay goolka 1-aad waxana dhaliyay xiddiga Haji Wright kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu Xulka USA rajo ka helay kulanka.

Xulka Netherlands ayaa daqiiqadii 81-aad ka jawaabay goolka USA waxana goolka u dhaliyay xiddiga Denzel Dumfiies kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Netherlands iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka koobka adduunka.