Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiriirka Kubadda Cagta Israel (IFA) ayaa soo saaray bayaan kulul kadib markii Norway ku dhawaaqday inay dhammaan dakhliga kasoo xaroon doona kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee labada dal ku dhex mari doona Oslo, October 11, ay ugu deeqi doonaan dadka reer Gaza.
Norway, oo hoggaanka u haysa Group H kaddib markii ay afar guulood ka soo hoysay, ayaa hore uga badisay Israel 4-2 bishii Maarso, halka Talyaaniga oo saddex dhibcood ka dambeeya uu weli heysto labo kulan oo baaqi ah.
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Norway, Lise Klaveness, ayaa sheegtay in go’aankani yahay fariin bani’aadamnimo oo looga jawaabayo xaaladda halista ah ee Gaza, halkaas oo in ka badan 80,000 qof, oo ay ku jiraan 17,000 carruur ah, lagu dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalka bishii October 2023.
Hase yeeshee, IFA ayaa si adag uga falcelisay, iyagoo sheegay:
“Caadiyan ma faragelinno halka loo isticmaalo dakhliga kulamada, laakiin markan waxaan cambaareyneynaa dhaqankaas. Waxaa fiicnaan lahayd in qayb ka mid ah lacagta lagu taageero cambaareynta weerarkii 7-dii October ee lagu dilay boqolaal Israa’iiliyiin ah ama lagu dadaalo sii deynta 50 maxbuus. Sidoo kale fadlan hubiya in lacagtu aysan u gudbin kooxo argagixiso ama xitaa ugaarsiga nibiriga.”
Israel waxay ku soo gabagabeysay hadalkeeda in ay rajeynayaan inay qaataan saddexda dhibcood kulankaas.


