Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka qaranka Somaliya ayaa bar-baro la galay xulka Congo kulan ka tirsnaaa wareega 2-aad ee tartanka Koobka Africa ee 17 jirada ka socda dalka Algeria.
Xulka Somaliya ayaa si weyn uga fiicnaa sidii kulankii hore waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo ka fiicnaa xulka Congo.
Inkasta oo uu xulka Congo maamulayay ciyaarta hadana xulka Somaliya ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo samaynayay fursado fiican.
Daqiiqadii 32-aad ayuu xulka qaranka Somaliya dhaliyay goolak 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Dini Daahir kaas oo gool ka dhaliyay weerar habaysan oo ay qaadeen xiddigaha xulka Somaliya.
Xulka Somaliya ayaa sii waday samaynta fursadaha iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal xilli Goolhayaha Somaliya dhinaciisa sameeyay badbaadino cajiib ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Somaliya ku hogaaminayo natiijada ciyaarta laakiin xulka Cong maamulayay ciyaarta.
Qaybta dambe ayaad mooday in uu xulka Somaliya yara daalay iyaga oo xulka Conogo u ogolaaday in ay ku awood bataan ciyaarta.
Congo ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha xilli xulka Somaliya ciyaarayeen weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 58-aad ayuu xulka Congo dhaliyay goolka bar-baraha waxana ay ka dhigeen ciyaarta bar-baro 1/1 ah.
Xulka Congo ayaa sii waday raadinta goolal kale waxana ay heleen fursado aan kala joogsi lahayn iyaga oo sameeyay fursado badan laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka faa’iidaystaan.
Xulka Somaliya ayaa dhinacooda helay fursado cajiib ah oo ay marar badan goolka ku hor yimaadeen laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadahaas.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Somaliya bar-baro galay kulankiisii 2-aad ee tartanka koobka Africa ee 17 sano jirada ee ka socda dalka Algeria.