Xulka Qaranka Talyaaniga Oo Loo Magacaabay Khabiir Ku Suntan Taariikhda Napoli

0
102

Baladwayne ( Radio Beerlula )Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa magacaabay tababare cusub oo hoggaamin doona xulka qaranka dalkaas oo uu dhowaan iska casilay Roberto Mancini oo soo hoggaaminayay tan iyo sannadkii 2018.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee magaciisa looso gaabiyo FIGC ayaa waxa lagu sheegay, in tababaraha cusub ee xulka qaranka Talyaaniga loo magacaabay Luciano Spalletti oo taariikh weyn ku leh kubadda cagta Talyaaniga, isla markaana xagaagii iska casilay Napoli oo uu u qaaday horyaalka Sere A.

“Xidhiidhka kubadda cagta FIGC waxa uu shaacnayaa in uu heshiis la gaadhay tababare Luciano Spalletti oo xulka qaranka hoggaamin doona laga bilaabo September 1, waqtigaas oo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono garoonka tavbabarka ee Coverciano si uu u hoggaamiyo kulamada North Macedonia iyo Ukraine.”

Luciano Spalletti oo beddelay Roberto Mancini oo toddobaad ka hor iscasilay, waxa uu shaqo la’aan ahaa tan iyo June 30 oo ahayd xilligii uu ka tegay Napoli.

Waxa uu leeyahay khibrad tababarenimo oo ka badan 30 sannadood oo uu kusoo layliyey kooxo badan oo reer Yurub ah.

Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in sharciyaqaannadoodu ay la xaajoonayaan Napoli oo ka doonaysa 3 milyan oo Euro maadaama heshiiskii uu isku casilay Luciano Spalletti uu dhigayay in kooxda ama xulka uu heshiis la gaadho ay koxodan siin doonaan lacagtaas oo magadhow ahaan noqonaysa.