Xulka Qatar Oo La Bar-Bar Dhigay Chelsea Qaab Noocee Ah.

0
93

Baladweyne (Radio Beerlula)-Koobka Adduunka 2022 ayaa maanta si rasmi ah u furmay, iyadoo Qatar guuldaro 2/0 ah kala kulantay Ecuador.

Xulka Ecuador ayaa inta badan maamulayay ciyaarta iyaga oo u awood sheegtay xulka Qatar kuwaas oo ku dhibaatooday kulanka.

Waxa intaas sii dheer in uu xulka Qatar ku ciyaarayay shaxda 5-4-1 taas oo keentay in qaab ciyaareedkooda xun lala bar-bar dhigo kooxda Graham Potter ee chelsea.

“Qatar waxa ay i xasuusisanaysaa kooxda Graham Potter ee chelsea”ayuu Taageere qoray

Mid kale ayaa qoray” Qatar waxa ay u ciyaaraysaa sida chelsea, ma difaacan karto, fursadana ma abuuri karto”..

Taageere kale ayaa yidhi”FIFA waa in ay baadhitaan ku samayso sababta ay chelsea u xidhatay maaliyada Qatar una ciyaartay koobka adduunka”.

“Farqiga kaliya ee u dhexeeya chelsea iyo Qatar ayaa ah in uu mid xul qaran yahay midka kalena koox”ayuu taageere qoray