Xulka Soomaaliya oo guuldarro la kulmay

0
315

Baladweyne(Radio Beerlula)- magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa caawa ku soo gabagaboobay ciyaar u dhaxeysay Xulalka Soomaaliya iyo Uganda oo kuwada Ciyaarayay  garoonka Al Xaji Xuseen Guled Stadium ee magaalada Jabuuti lugta hore ee isreebreebka koobka CHAN 2020.

Ciyaarta ayaa kusoo Idlaatay 3-1 oo aay ku awood sheegatay Xulka Uganda.

kulanka lugta labaad ayaa  ka dhiic doonto garoonka StarTimes Stadium ee dalka Uganda 3-da bisha Agoosto.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Uganda lugta labaad ee la ciyaarayo ,kuna soo badiso goolal macquul ah  waxa ay u soo gudbin doontaa wareega labaad ee isreebreebka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here