Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sannadkii 2016-kii meel mariyay in sannad kasta 2-da bisha May oo manta ku beegan dunidda looga dabal dego maalinta caalamiga ee kalluunka Tuunka si bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda kalluunka tuunku u leeyahay nolosha badda, dhaqaalaha, iyo amniga cuntada, si kor loogu qaado fahamka ku saabsan sida kalluumaysiga xad-dhaafka ahi halis ugu yahay kheyraadka dabiiciga ah.
Maalintan ayaa looga gon lee yahay sidii dowladaha, shirkadaha kalluumaysiga, iyo kalluumaysatada yaryar loogu baraarujin lahaa inay ka qeyb qaatan habab kalluumaysi oo waara, si loo ilaaliyo noocyada kala duwan ee kalliinka ayna u helaan mustaqbalka jiilasha soo socda.
Kummaan ruux oo ku nool dalkeenna ayaa subax kasta u shaqo taga badda si ay uga soo kaluumeystay islamarkana ugu mareeyaan nolol maalmeedka qoyskooda.
Dalkeenna ayaa leh mid ka mid ah xeebaha ugu dhaadheer Afrika, oo dhererkeedu uu gaarayo 3,300 kiiloomitir, Xeebahan qani ah waxa ay dalkeenna siiyeen mid ka mid ah kheyraadka kalluunka ee ugu hodansan geeska Afrika.
Khuburada dhanka badda ayaa qaba in kalluunka Tuunka uu yahay tiir dhaqaale oo weyn oo kobciya nolosha bulshada xeebaha degan, isla markaana keena horumar, shaqo abuur dhaqaalaha maxalliga ah, iyo dhaqamada qadiimiga ah ee bulshooyinka xeebaha ku nool, iyadoona Kalluunku uu door weyn ka ciyaarayo dhaqaalaha dalal badan iyo nolosha malaayiin qof.
Caqabadaha ugu badan ee ka jira baddeenna ayaa waxaa ka mid ah Kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ay sameeyaan maraakiib ajaanib ah, Farsamo xumo iyo qalab la’aan ay la tacaalayaan kalluumaysatada maxalliga ah, Xeerar iyo nidaam maamul oo aan si fiican u dhaqan gelin.
Warkan Waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin


