Xuska maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta dunida looga dabal degayo.

0
151

Baladweyne (Radio Beerlula)- Maalinta AIDS-ka Adduunka waxa ay isu keentaa dad ka kala yimid daafaha caalamka si ay kor ugu qaadaan wacyiga ku saabsan HIV/AIDS iyo in ay muujiyaan midnimada caalamiga ah ee ka dhanka ah masiibada.

Maalintan ayaa fursad u ah hay’adaha guud iyo kuwa gaarka ah si ay u faafiyaan wacyiga ku saabsan heerka cudurka faafa iyo dhiirigelinta horumarka laga gaaray ka hortagga, daaweynta iyo daryeelka HIV/AIDS ee adduunka oo dhan.

Laga soo bilaabo sannadkii 1988-dii ilaa hadda sanad kasta waxaa 1-da bisha December oo maanta ku beegan la xusa maalinta caalamiga ee HIV/AIDS-ka si bulshada loogu baraarujiyo khatarta cudurkan.

Cudurkan ayaa lagu soo waramaya in sannadkii 2021-kii ay u dhinteen 40 malyan oo ruux.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.