Xuska maalinta caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha seyniska oo dunida looga dabal degayo

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 22-kii december sannadkii 2015-kii meelmariyay in 11-ka bisha feberaayo oo maanta ku beegan sannad kasta dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha seyniska, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo qiimaha dhinacyada bulshada iyo dhaqanka ee Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka si kor loogu qaado barnaamijyada horumarka waara.

16-kii sano ee la soo dhaafay, bulshada caalamku waxay sameysay dadaal badan oo ku saabsan dhiirigelinta iyo ka-qeybgalka haweenka iyo gabdhaha sayniska-Hase yeeshe haweenka iyo gabdhaha ayaan wali si buuxda uga qayb galin sayniska.

Maalintani waxay diiradda saartaa xaqiiqada ah in sayniska iyo sinnaanta jinsiga labaduba ay muhiim u yihiin gaaritaanka yoolalka horumarineed ee caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, oo ay ku jiraan Ajendaha 2030 ee Horumarka Joogtada ah.

Hadafka Horumarka Joogtada ah ee Yoolalka Caalamiga ah ee ay hoggaamiyeyaasha adduunku ku heshiiyeen 2015-ka oo ku eg sanadka 2030, ayaa waddamada adduunka oo dhan waxay ballan-qaadeen “in ay dhisaan kaabayaal adkeysi leh, kor u qaadayana soo-saaris loo dhan yahay oo joogto ah iyo kobcinta hal-abuurnimo.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.