Xuska maalinta Cagaarshowga oo maanta dunida laga xusayo

0
47

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Cagaarshowga Adduunka ayaa la xusaa sannad kasta 28-ka Luulyo si kor loogu qaado wacyigelinta ku saabsan qatarta cudurka cagaarshowga kaasoo ku dhaca beerka islamarkana sababa cudurka kansarka.

Waxa jira 5 nooc oo fayraska cagaarshowgu leeyahay – A, B, C, D, iyo E. Si wada jir ah, cagaarshowga B iyo C ayaa ah caabuqyada ugu badan oo keena dhimashada 1.3 milyan ruux iyo 2.2 milyan oo caabuq cusub sannadkii.

In kasta oo ay jiraan tallaalo waxtar leh, xeelado ka hortag ah, iyo dawooyin,, haddana dhimashada cagaarshowga ayaa sii kordhaya adduunka.

Golaha Caafimaadka Adduunka ayaa taageeray ciribtirka cagaarshowga fayraska sida khatarta caafimaadka dadweynaha oo ay ku jirto dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan hooyooyinka.

Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo, waa fursad lagu dardargelinayo dadaallada heer qaran iyo heer caalami ee ku saabsan dabargoynta cudurkan iyadoo bulshada laga wacyegelinayo halistiisa.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.