Xuska Maalinta Carruurta Adduunka oo maanta ku beegan

0
12

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Carruurta Adduunka ayaa markii ugu horreysay la aasaasay sannadkii, 1954-kii iyado sannad kasta 20 November loo dabal dego maalintan, si kor loogu qaado wadajirka caalamiga ah, ee wacyiga carruurta adduunka oo dhan, iyo horumarinta daryeelkooda.

20-ka November sannadkii 1959-kii golaha guud Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Baaqa Xuquuqda Carruurta, sidoo kale golaha loo dhan yahay ee qara

mada midoobay ayaa sannadkii 1989kii meel mariyey Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Laga soo bilaabo 1990, waxaa sannad kasta la xusa maalinta caalamiga ee carruurta Adduunka kadib markii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay uu meel mariyay baaqa xaquuqda caruurta iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.