Xuska Maalinta Deegaanka oo maanta ku beegan.

0
99

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sannadkii 1972-dii meelmariyay in sannad kasta shanta bisha June dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee deegaanka iyadoo xuska maalintan uu soo bilowday sannadkii 1974-tii.

Ujeedka loo xuso maalintan ayaa ah wacyiga ku saabsan arrimaha deegaanka sida wasakhowga badda, tirade badan, kulaylka caalamiga ah, horumar waara iyo dembiyada duurjoogta.

Hey’ada qaramada miboobay u qaabilsan ilaalinta deegaanka ayaa hogaamiso qabashada iyo agaasinka xaflada sannadlaha ee la qabto 5-ta Juun iyadoo ay maalinta deegaanka adduunka xusaan malaayiin qof oo adduunka dacaladiisa kala joooga

Agaasimihii hore ee wasaaradda Bey,ada Hirshabeelle Cabdi wali Xasan Dirir oo kamid ah dadka u ololeeya ka hortaga xaalufinta dhirta ayaa Radio Beerlula uga waramay dadaalada uu sameeyay si loo ilaaliyo deegaanka

Qaar kamid bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay doorka ay ku leeyihiin ilaalinta deegaanka iyo waxa ay ka qabtaan

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.