Xuska maalinta Deeganka oo maanta ku beegan

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta deegaanka adduunka ayaa la xusaa 3-0ktobar maanta oo kale sanadkasta waxaana Qaramada Midoobay u aqoonsatay inay ka tarjumeyso xaaladda magaalooyinka iyo xuquuqda aasaasiga ah sida in ay helaan dadka hoy ku filan.
Maalintan ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xasuusiyo adduunka in qof kastaa uu leeyahay masuuliyad gaar ahaaned iyo mid guud

Maalintaan deegaanka adduunka ayaa markii ugu horreysay laga xusay 1986-kii magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkudhigga sanadkaas la doortayna wuxuu ahaa Hoyga waa xuquuqdeyda.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin