Baladweyne ( Radio Beerlula )–Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 17-kii bishii December sannadkii 1999-kii meel mariyay in sannad kasta 12 ka ogosto dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee dhalinyarada kadib soo jeedin ka timid Shirkii Adduunka ee Wasiirada Dhalinyarada (Lisbon, 8-12 Agoosto Sannadkii 1998-kii.
Maalintan ayaa looga gon lee yahay sidii dhalinyarada loogu baraarujin lahaa sidii ay uga faa’ideysan lahayeen awoodooda, dhinaycada xirfaddaha , shaqo abuurka iyo dijitaalka.
Farsamooyinka sida aaladaha mobilada, aaladaha dhijitaalka ah, iyo hal-abuurka cusub sida sirdoonka macmal ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarinta SDGs. dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka.
Fikirka Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada waxaa soo jeediyay 1991-kii dhallinyaro ku soo ururtay Vienna, Austria, fadhigii ugu horreeyay ee Golaha Dhallinyarada Adduunka ee Qaramada Midoobay. Madashu waxay ku talisay in lagu dhawaaqo maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada,
Taladaas waxaa markii dambe taageeray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 1999. Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa markii ugu horreysay la xusay 2000.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Hirshabeelle Yusuf Cabdi Faarax ayaa Radio Beerlula uga waramay ahmiyadda maalintan iyo doorka wasaaradda ee ku aadan shaqo abuurka iyo isdhaxgalka dhalinyarada.
Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobalka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Daahiye iyo qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula ugu waramay waxay uga dhigtan tahay maalintan.
Qaramada Midoobay waxay ku qeexdaa dhalinyarada adduunku inay yihiin kooxda da’doodu u dhaxayso 15 iyo 24 jir, taasoo ka dhigaysa lix meelood meel dadka bini’aadamka ah. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradan rag iyo dumar ayaa ku nool wadamada soo koraya waxaana la filayaa in tiradooda ay kor u kacdo.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir waaneey.