Xuska Maalinta macalimiinta Addunka oo maanta dunida laga xusayo.

0
190

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta deegaanka adduunka ayaa la xusaa 3-0ktobar maanta oo kale sanadkasta waxaana Qaramada Midoobay u aqoonsatay inay ka tarjumeyso xaaladda magaalooyinka iyo xuquuqda aasaasiga ah sida in ay helaan dadka hoy ku filan.
Maalintan ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xasuusiyo adduunka in qof kastaa uu leeyahay masuuliyad gaar ahaaned iyo mid guud

Maalintaan deegaanka adduunka ayaa markii ugu horreysay laga xusay 1986-kii magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkudhigga sanadkaas la doortayna wuxuu ahaa Hoyga waa xuquuqdeyda.

Maalintan ayaa laga xusay wadamo badan oo caalamka ah, waxaana la soo agaasimay hawlo kala duwan oo lagu eegayo dhibaatooyinka ay leedahay magaalaynta xawliga ah, saamaynta ay ku leedahay deegaanka iyo saboolnimada dadka.

UN Habitat waxay si cad u qeexday baahida loo qabo in la qorsheeyo magaalooyinka si looga fogaado horumarka fowdada ah ee fidinta magaalooyinka iyo dhammaan dhibaatooyinka la xiriira ee ka dhalan kara.

Agaasimaha wasaaradda deegaanka Hirshabelle ismail abdulkadir ayaa ka waramaya muhiimadda maalintan iyo waxyaabaha ay ka qabteen hormarinta deegaanka

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa ay uga dhigantahay maalintan

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan