Xuska Maalinta Musqulaha aduunka oo maanta ku beegan

0
19

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sannadkii 2013-dii meelmariyay in sannad kasta 19-ka bisha November oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta musqulaha Adduunka.

Qaraarkan oo ciwaan looga dhigay Maalinta Nadaafadda Dadka oo dhan ayaa la ansixiyay 24kii Luulyo, 2013.

Qaramada midoobay ayaa ku boorisay dawladaha xubnaha ka ah iyo daneeyayaasha ay khusayso inay dhiirigeliyaan isbeddelka habdhaqanka iyo hirgelinta siyaasadaha lagu kordhinayo helitaanka nadaafadda.

Dadka saboolka ee inta badan ku nool kaamanka barakacayasha iyo dhulka miyiga ayaa inta badan heli goobo musqulo ah.

Aduunka oo dhan ayaa rumeysan in Musquluhu ay muhiim yihiin sababtoo ah helitaanka musqul shaqaynaya oo ammaan ah ayaa saamayn togan ku leh caafimaadka dadweynaha, sharafta aadanaha, iyo badbaadada shakhsi ahaaneed, gaar ahaan dumarka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.