Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa maanta oo kale sanad walbo la xusaa adduunka Maalinta Caalamiga ah ee Shinnida oo ay u aqoondeysay Qaramada Midooba ayada oo lagu xooga agu saaraayo muhiimada ay aadamaha iyo noolayaasha kale u leedahay ayaa waxa sanadwalbo waxa loo qabta xaflad lagu maamusayo maalintaan oo la doonayo in lagu ilaaliyo shinnida
Hey’ada FAO ayaa 2016-kii ku maamustay Anton Janša oo ahayd hormuudka bacriminta iyo beerista casriga ah maalintii uu dhashay, in loo aqonsado maalinta caalamiga ah ee Shinnida Janša waxay ka timid qoys xoolo dhaqato ah oo ku nool Slovenia, halkaas oo dhaqashada shinnidu tahay hawl-beereed muhiim ah oo leh caado soo jireen ah.
Qaramada Midoobay ayaa 20 May u astaysay maalinta caalamiga ah ee shinnida, Si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan muhiimada ay leeyihiin Shinnida, khataraha ay wajahayaso iyo ka qayb qaadashada horumar waara. Hadafka ayaa ah in la xoojiyo tillaabooyinka loogu talagalay ilaalinta shinnida iyo kuwa kale ee bacarimiya geedaha sida balanbaalista, kuwaas oo si weyn gacan uga geysan doona xallinta dhibaatooyinka la xiriira soosaarista cuntada adduunka iyo baabi’inta gaajada waddamada soo koraya.
Dhammaanteen waxaynu ku tiirsanahay kuwa wax soo saarka shinnida, sidaas darteed, waa muhiim in lala socdo hoos u dhaca lana joojiyo luminta kala duwanaanshaha noolaha, waxaa si saa’id ah isu soo taraayo khataraha iyo dabar go’a ku socdo shinnida iyo bacarimiyayaasha dhirta ay ku hayaan aadamaha.