Xuutiyiinta oo ogolaatay in gurmad uu gaaro markab ku gubanaya Badda Cas.

0
70

Baladweyne ( Radio Beerlula) -Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadkii hore.

Markabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah.

Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay Xuutiyiinta aqbashay, in doonyo iyo maraakiib gurmad ah u tagaan markabka burburaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.