Youtuber caan ah oo loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Yurub.

0
90

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Youtuber caan ah oo u dhashay jasiiradda Qubrus ayaa loo doortay cubic madax-banaan oo baarlamaanka Yurub ah.

Fidias Panayiotou waxa uu hore isku tilmaamay inuu yahay “xirfadle ah wax khaldan sameeya”, qaar ka mid ah barankiyada aadka la yaabaka u ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu isku dayay inuu marxabeeyo ama uu laabta geliyo 100 qof oo caan ah – oo uu ku jiro Elon Musk.

Waxyaabaha kale waxaa ka mid ah inuuuu toddobaad kujiray naxash.
Ninkan 24-jirkan waxaa bartiisa Youtube ku xiran in ka badan 2.6 milyan oo macaamiil ah. Inkastoo Fidias Panayiotou aanu lahayn khibrad siyaasadeed hadana waxa uu helay codadka qofka saddexaad ee ugu badan isagoo helay 19.4% boqolkiiba.

Sannadkii hore Mr Panayiotou ayaa lagu qasbay inuu raaligelin bixiyo ka dib markii uu caro ka abuuray Japan muuqaal dhanka YouTube-ka ah oo uusan bixinin lacagta tareenka lagu raacayo iyo biilka quraacda ee hoteelka 5 weyn.