Yurub oo laga cabsi qabo inay soo foodsaarto abaartii ugu xumayd, muddo 500 oo sano ah

0
173

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dalalka faransiiska iyo Spain ayaa lagu soo waramaya inay soo food saartay abaartii ugu darneyd muddo ka badan 500 oo sano taasoo horseeday inay guran webiyadii.

Abaarahan ayaa si weyn u dhaawacay wax-soosaarkii beeraha, iyada oo keentay in la xakameeyo biyaha la isticmaalo, taasoo halis gelinaysa duurjoogtii iyo xayawaanadii kale ee ku noolaa dhulka kaymaha ah.

labadii bilood ee la soo dhaafay. Dalka Britain laftiisa ayaa ku jira meelaha lagaga dhawaaqay inay abaaruhu ka jiraan, gaar ahaan Koonfurta iyo Badhtamaha England, iyada oo lagu jiro mid ka mida xagaagii ugu kululaa ee dalkaas laga diiwaangeliyo.

Khubarada ayaa sheegay in Qaaradda Yurub ay soo food saartay mid ka mida abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo ku siman 500 oo sano.