Zidane iyo Al-Khelaifi oo kulan ku yeeshay magaaladda Paris

0
185

Baladweyne (Radio Beerlula)- Warbixin ka soo baxday saxaafada Spain ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijisay in Zinedine Zidane, uu la kulmay madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi.

Zidane ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Paris, isaga oo lagu xasuusto inuu qeyb galay finalkii Champions League, oo ay dhawaan Real Madrid ka qaaday naadiga reer England ee Liverpool.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain, Zidane iyo Al-Khelaifi ayaa kulmay Isniintii lasoo dhaafay, iyadoo madaxweynaha Saint-Germain uu doonayo inuu u magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Paris.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in kal-fadhigu looga hadlay arrimaha qaarkood, balse ay jiraan waxyaabo ay tahay in la dhammaystiro ka hor inta aan la gaadhin heshiis suurtogal ah oo dhexmara labada dhinac.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi uu u soo bandhigay Zinedine Zidane dalab uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 25 million euros, taasoo Zizou ka dhigeysa inuu hoggaamiyo liiska macalimiinta ugu mushaarka badan adduunka.

Zinedine Zidane ayaa haddii uu mushaarka kor ku xusan kula heshiiyo kooxda Paris Saint-Germain, wuxuu ka sara mari doonaa Diego Simeone oo haatan Atletico Madrid ka qaata 24 million euros xilli ciyaareedkii, sidoo kale Pep Guardiola. Kaas oo isna Manchester City ka hela 23 million euros xilli ciyaareedkii.

Waxaa xusid mudan in mushaarka ugu badan ee Zinedine Zidane uu ka qaadan jiray kooxdiisii hore ee Real Madrid uu ahaa 13 million euros sanadkii.