Zidane Oo PSG Toos Ugu Tilmaamay Xiddiga Kooxdooda Ka Tirsan Ee Uu Dartii U Diidayo

0
148

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha mudada aan wax shaqo ah qaban ee Zinadine Zidane ayaa la sheegay inuu go’aan dhinaca suuqa ah oo muhiim ah hor dhigi doono Paris Saint-Germain haddiiba ay isku dayaan saxeexiisa.

Tababarihii hore ee Real Madrid ayay macquul tahay inuu jagada macalinimo kusoo laabto xilli ciyaareedka dambe ee 2023/24 kaddib markii shaqada xulka France ee uu sugayay loo dheereeyay Didier Deschamps.

Zizou ayaa haatan lala xidhiidhinayaa inuu markii saddexaad qabto booska Real Madrid amaba uu Paris ka bedelo macalinka culaysku saaran yahay ee Christophe Galtier.

Zidane ayaa ka warqaba in maamulka PSG hammigooda ugu weyni yahay ku guuleysiga Champions League laakiin rekoodhkiisa tartankaas ayaa ah mid si weyn u caawinaya.

Wargeyska Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo ayaa sheegaya in mid kamida shuruudaha uu Zidane hor dhigi doono PSG ay tahay iibka iyo in kooxda laga diro 31 sano jirka garabka weerar ee Neymar Jr.

Neymar ayaa hadda dhaawac kaga maqan kooxda ku ciyaarta Parc des Princes, heshiiskiisa kooxda ayaa 2025 ku eeg laakiin Zidane ayaa u arka in bixitaankiisu muhiim u yahay guulaha mustaqbalka kooxda.