Zinedine Zidane Oo Helay Shaqadiisii Ugu Horreysay Tan Iyo Markii Uu Iska Casilay Real Madrid – Goorma Ayaa Lagu Arki Doonaa Garoomada?

0
251

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa manta loo magacaabay inuu noqdo safiirka kooxda Alphine F1, hase yeeshee waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto shaqada kubadda cagta gaar ahaan tababarenimada oo uu cayimay xilliga lagu arki doono garoomada.

Zinedine Zidane oo waraysi siinayay warbaahinta Le Figaro ayaa waxa uu sheegay in ay suurtogal tahay in uu tababarenimada kusoo laabto inta aanu dhamaanin xilli ciyaareedkan socda, halka uu waqtigiisa ugu dambeeyana ka dhigay bisha June ee dhamaadka xilli ciyaareedka.

Inkasta oo uu hadda isku diyaarin doono in uu fagaareyaasha dunida ku metelo baabuurta orodka ee Formula 1, haddana waxa heshiiskiisa uu ku daray in uu noqon karo tababare marka uu doono, isla markaana aanay ka joojin doonin inuu noqdo tababare.

Sida uu sheegay telefishanka RMC Sport, Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa aad loola xidhiidhinayaa Zidane hase yeeshee isagu wuxuu ka gaabsaday in uu sinaba u bixiyo qish la xidhiidha kooxda uu ku waajahan yahay.

Zidane oo la weydiiyey haddii heshiiska uu la galay Alphine F1 uu ka xayirayo inuu tababare noqdo, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Heshiiskayga ayay ku jirtaa, in haddii ay berri timaaddo koox, in aanay iga joojin doonin in aan sii wado shaqada.

“In aan tababarenimada ku laabto wali waa hamigayga. Maanta waqti ayaan haystaa laakiin ma garanayo xilliga ay firaaqadaydu dhamaan toonto. Hadda waqti waan haystaa waxaana laga yaabaa illaa June laakiin si degdeg ah ayay wax isku beddeli karaan.”

Zinedine Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo May 2021 oo ahayd xilligii uu iska casilay Real Madrid, ayaa waxa hore loola xidhiidhinayay xulka qaranka Faransiiska laakiin Didier Deschamps ayaa heshiiska kordhiyey waxaana hadda u bannaan inuu shaqada naadiyada kusoo laabto.