35 ardey oo ka qalin jabisay jaamacadda Ganaany ee Baydhabo

0
375

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxmed Laftagareen, guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye,maamulka jaamacadda ganaany iyo bahda waxbarashadda ayaa ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 35 ardey oo ka qalin jabisay jaamacadda ganaan ee magaalada Baydhabo.

Maamulka jaamacadda Ganaany iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ayaa hambalyo iyo hadal dardaaran ah u jeediyay ardeyda qalin jabisay.

Guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ardeyda qalin jabisay kula dardaaramay in waxyabaha ay barteen ugu adeegan bulshada.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here