Horudhaca: Kooxaha galabta ciyaaraya tartanka Ramadaan Cup ee Baladweyne

0
109

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu ciyaari doona laba kulan oo kamid ah lugta labaad ee tartanka Ramadaan Cup kaasi maraya heer gabo-gaba ah .

 

Kulanka 1 aad ayaa bilaaba doona 3:30 wuxuuna u dhexeeyaa kooxaha Sikompa iyo Midnimo halka ciyaarta 2 aadna ay bilaaba doonto 4:30 waxaana ku kulmaya Kooxaha Holac iyo Beledweyne City iyadoo 4 taan  kooxood looga baahanyahay 2 kooxood

 

Waxaana diyaar garoow xoogan laga dareemaya taageerayasha labada koox  waxaana koox kasta ay isku diyaarineeysaa sidii guul ay uga soo hooy lahaayeen.

 

Ciyaarahan ayaa lagu ciyaari doona Garoonka Buula-xaableey