Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dawladda Kenya ayaa koox baarayaal ah u dirtay burburka diyaaraddii ay ku dhinteen taliyihii ciidamada qalabka sida ee kenya Janaraal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale.
Illaa hadda ma cadda sababbaha keenay burburka diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka.
Janaraal Ogolla ayaa kamid ahaa 12 qof oo saarnaa diyaaradda oo galin kii dambe ee khamiista dhacday wax yar uun kaddib, markii ay ka kacday garoon ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.
Janaraalka ayaa lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah hoygiisa oo ku yaala galbeedka ismaamulka Siaya, sida ay qoyskiisu sheegeen.
Isagoo ku dhawaaqayay sedex maalmood oo baroordiiq qaran ah, ayaa Madaxweyne William Ruto waxa ku tilmaamay geerida Janaraalka mid murugo ku riday wadanka.
Janaraal Ogolla ayaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya loo magacaabay bishii Abriil, ee sanad kii hore .