Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 400 oo ardey oo dhiga jaamacadda Baladweyne ayaa u fadhistay imtixaanka kama dambeysta ee qalin jabinta , halka kuwa kalana ay u fadhisteen imtixaanka simistarka.
Imtixaankan ayaa socon doona muddo todobo maalmood ah.
Madaxa imtixaannadka Jamaacadda Baladweyne Xassan Xuseen Cabdi ayaa Radio Beerlula uga waramay qeybaha ay iskugu jiran ardeyda imtixaanka u fadhistay iyo waxyabaha looga baahan yahay.
Qaar ka mid ah ardeyda u fadhistay imtixaanka ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay guul ka keenaan imtixaanka.
Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.