Afar boqol oo ardey oo dhigata jaamacadda Baladweyne oo u fadhistay imtixaanka kama dambeysta iy simistarka.

0
321

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 400 oo ardey oo dhiga jaamacadda Baladweyne ayaa u fadhistay imtixaanka kama dambeysta ee qalin jabinta , halka kuwa kalana ay u fadhisteen imtixaanka simistarka.

Imtixaankan ayaa socon doona muddo todobo maalmood ah.

Madaxa imtixaannadka Jamaacadda Baladweyne  Xassan Xuseen Cabdi ayaa Radio Beerlula uga waramay qeybaha ay iskugu jiran ardeyda imtixaanka u fadhistay iyo waxyabaha looga baahan yahay.

Qaar ka mid ah ardeyda u fadhistay imtixaanka ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay guul ka keenaan imtixaanka.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here