Lukaku Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Ingiriiska Balse Albaabka Chelsea Ma Ahan

0
203

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mar kale mustaqbalka Lukaku ayaa calaamad su`aal la dul saarayaa, laacibkaan amaahda ugu jooga Inter Milan  ee u diiwaan gishan Chesea magaciisa ayaa si xooggan u so galay suuqa jilaalka

Lukaku ayaa amaahdiisa Inter waxa ay ku siman tahay xagaaga 2023-ka , Inter-na uma muuqdaan kuwo doonaya in ay iibsadaan

Bogga Talk Sport ayaa haatan qoraya in Tottenham ka fikirayaan saxiixa Lukaku inta suuqa jilaalka furan yahay  haddii aysan dhicinna xagaaga.

 

 

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Tottenham ka cabsi qabto in xagaaga ay waayaan xiddigooda Harry Kane kaasi oo loo badinayo In United u wareegayo

Hishiiska Lukaku e Chelsea ayaa dhacaya xagaaga 2026-ka mana doonayo in uu kooxdiisa dib ugu soo laabto

Ilaa iyo haatan 59 kulan ayuu Lukaku u ciyaaray Inter dhamaan tartamada , waxa uu dhaliyay 15 gool halka seddex kale uu sameeyay