Baladweyne ( Radio Beerlula)-Bulshada iyo maamulka deegaanka Lug-low ee duleedka waqooyiga ee magaalada Kismaayo ayaa Olole nadaafadeed oo isxilqaan ah islamarkaana ujeedkiisu ahaa sara u qaadida bilicda deegaanka ka fuliyay deegaankooda.
Ololahan ka hortaga nadaafad darada iyo sare u qaadida bilicda deegaanka ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanka lug-low waxaana hormuud u ahaa maamulka deegaanka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmed.