Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa diyaar u ah inay burburiso heshiiska ay kula jirto mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican oo uu tababare Xavi Hernandez go’aan ka gaadhay, kaddib guul-darradii ay Khamiistii kala soo kulmeen Manchester United.
Sida uu qoray wargeyska Nacional ee kasoo baxa magaalada Barcelona, Joan Laporta iyo Xavi Hernandez ayaa waxay diyaar u yihiin inay burburiyaan heshiiska xiddiga da’da yar ee Ansu Fati oo kula jira heshiis waqti dheer ah oo soconaya illaa sannadka 2027.
20 jirkan oo sannadkii mushahar u qaata €12 milyan oo Euro ayay Barcelona ka cadhaysan tahay dhaawacyadiisa badan tan iyo markii uu dhaxlay lambarkii Lionel Messi ee No.10, waxaana shalay uu mar kale dhaawac k gaadhay jilibka oo dhawr jeer oo hore qalliin lagga sameeyey.