Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wado qorshe dib loogu soo celinayo in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo u dhashay dalkaasi oo ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah koonfurta Sudan.
Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, sidii ay dib ugu soo laaban lahayeen dalkooda oo ay ugu horeyso ammaanka.
Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo u dhashay dalkaasi oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar.
Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigan ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa.