Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa rumaysan in Arsenal ay u baahan tahay in ay xalliso hal dhibaato oo weyn si ay ugu guuleysan karto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay shan dhibcood ku hoggaaminayso.
Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa Sabtidii guul cajiib ah ka gaadhay Bournemouth oo laba gool kala hormartay, waxaana iyadoo lagu hoggaaminayay 2-0 ay haddan guushu ku racday 3-2, waxaana daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta goolka aguusha u dhaliyey Reiss Nelson.
Arsenal ayaa 14kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay dheeshay intii ka dambaysay Koobka Adduunka waxa laga dhaliyey 11 gool, halka qaybtii hore ee xilli ciyaareedka laga dhaliyey 24 gool 12 ciyaarood oo ay dheeleen, waxaana uu Gary Neville rumaysan yahay in difaac xumo ay Arsenal ka galaafan karto horyaalka Premier League.
Gary Neville oo ka hadlayay kulamadii horyaalka Premier League ee toddobaadkan ayaa yidhi: “Anigu waxa aan u malaynayay in Man City ay ciyaar adag dheelayso [Newcastle ayay 2-0 ku garaaceen]. Waxa an filayy in ay dhibco lumin doonaan, laakiin shaqadooda yaay qabsadeen.
“Sidaa daraadeed Arsenal na waa in ay shaqadeeda qabsato oo ay si raaxo leh u guuleysato. Xaqiiqadu waxay tahay in sida ay ku guuleysteen ee juhdiga dheeraadka ah iyo waqtigii dheeraadka ahaa aan la filayn, sababtoo ah in Bournemouth oo kooxda labaad ee ugu hoosaysa Premier League ay 2-0 ku hoggaamiso lagama filayn. Waxa la filayay inay 2-0 ama 3-0 ku garaacaan.
Gary Neville ayaa waxa uu u sheegay Mikel Arteta inuu xalliyo dhibaatada difaaca ee kooxdiisa, si ay horyaalka ugu guuleysan karaan.
Afar ka mid ah lixda ciyaarood ee kusoo aaddan Arsenal waxay la ciyaari doonta kooxaha ka hooseeya badhtamaha miiska kala-sarraynta, laakiin waxay sidoo kale waajihi doonaan oo ay waliba u tegi doonaan Fulham iyo Liverpool.