Liverpool Oo Guul-darro Xanuun badan kala kulantay kooxda Bournemouth

0
157

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul-darro xanuun kulul ay ku habsatay, waxaana ka aargoosatay naadigii ay horraantii xilli ciyaareedka 9-0 ku xasuuqeen ee Bournemouth oo markeeda saddexda dhibcood kaga qaadatay 1-0.

Gool uu qaybtii hore dhaliyey Billing ayaa Bourenmouth ugu filnaaday inay guul dahabi ah ka gaadho Liverpool oo kala-daadsanayd laakiin uu rikoodhe ka khasaariyey Mohamed Salah qaybtii labaad.

Jurgen Klopp oo kaydka dhigay Jordan Henderson ayaa ka qoomameeyey go’aankiisa iyadoo khadka dhexe ee uu keentay Bajcetic uu noqday mid burbursan oo xammili waayey dardarta iyo orodka ciyaartoyda Bournemouth.

Daqiiqaddii 28aad ayay Bournemouth hoggaanka ciyaarta qabaty markii uu Billing shabaqa ku hubsaday kubbad uu dhinaca midig uga soo dhiibay Quattara oo ka  baxsaday Van Dijk, waxaana uu goolkani noqday midka Liverpool u horseeday guul-darradan.

Goolhaye Alisson ayaa la baxsaday Liverpool qaybtii hore oo badbaadiyey laba fursadood oo midkood ahayd dhamaadkii, hase yeeshee Mohamed Salah ayay u ahayd maalin aan fiicnayn oo kubbadihiisu ay ku lumayeen dhinaca midig oo uu ku go’doonsanaa.

Liverpool ayaa dhalisay gool qaybtii hore la timid gool offside ahaa oo laba ka mid ah ciyaartoydeedu ay ka dambeeyeen difaaca Bournemouth, hase yeeshee Andy Robertson ayaa isaguna u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto ka hor intii aanu Gakpo dhalinin goolka la diiday.

Van Dijk ayay nasiib-darro ku dhacday oo kubbad uu madax ku qabtay laga soo celiyey iyadoo laynka  kasii gudbaysa, waxana helay Lerma oo diiday in Liverpool ay goolkas u dabbaal-degto.

Qaybta labaad oo ay inta badan ciyaarta maamulaysay Liverpool ayaa loo dhigay rikoodhe laga soo hubiyey VAR daqiiqaddii 68aad, waxaase rikoodhahaas khasaariyey Mohamed Salah oo birta garab mariyey inkasta oo uu goolhayaha dhinaca qaldan u diray.

Cody Gakpo ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta waxa uu darbad xooggan ku toogtay goolka, waanu dul-mariyey balse haddii uu soo hormarin lahaa waxa meel bannaan joogay Firmino iyo Jota oo madax la heli lahaa.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay ku jirto kaalinteedii shanaad oo ay haysato 43 dhibcood, halka Tottenham oo afraad ku jirtaana ay leedahay 45 dhibcood.

Bournemouth ayaa iyaduna sare usoo kacday oo timid kaalinta 16aad iyadoo ka hor ciyaartana ahayd kooxda ugu hoosaysa miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.