Baladweyne ( Radio Beerlula )-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa gelaya tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey marka ay kooxuhu is-arkaan toddobaadka foodda inagu soo haya, iyadoo hadda intooda badan ay u hadhsan yihiin min 11 ciyaarood.
Dagaal adag ayaa ka dhici doonta horyaalka usbuucyada ugu dambeeya iyadoo ku guuleysiga horyaalku uu u dhaxayn doono Arsenal iyo Manchester City oo farqi shan dhibcood ah ay hadda horreyso Gunners oo shalay guul cajiib ah ka gaadhay Fulham.
Boosaska saddexaad iyo afraad ayaa iyaguna noqday kuwo furan oo lagu dagaallami doono, iyadoo Manchester United oo u muuqanaysay in aanay cidina ku qabsanayn kaalinta saddexaad ay shan dhibcood lumisay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.
Halka uu ka taagan yahay loollanka adag waa kaalmaha saddexaad iyo afraad, inkasta oo booskan dambe uu yahay midka uu kooxaha badan hungurigu ka hayo.
Haddaba, waxa aanu qormadan ku eegaynaa min lixda ciyaarood ee Premier League ee ugu soo horreeya ee ay ciyaarayaan kooxaha waaweyn ee uu afarta sare iyo horyaalka ku tartamaya, qiimaynta kooxaha dhibaatada badan mari doonana adiga ayaanu akhriste kuu deynaynaa si aad fikirkaaga noola wadaagto.
Kooxda hogganka haysa ee Arsenal waxy lixda ciyarood ee soo socda garoonkeeda ku ciyaari doontaa saddex ka mid ah, laakiin waxay booqan doontaa Liverpool iyo Manchester City oo ah labada naadi ee ugu adag ee ay waajihi doonto, inkasta oo West Ham, Southampton, Leeds United iyo Crystal Palace iyagana aan la dhayalsan karin oo ay Arsenal waajihi doonto usbuucyada soo socda.
Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan kooxaha waaweyn
Arsenal
Crystal Palace (Minani)- Axad, March 19
Leeds United (Minani)- Sabti, April 1
Liverpool (Marti)- Axad, April 9
West Ham United (Marti)- Axad, April 16
Southampton (Minani)- Jimce, April 21
Manchester City (Marti)- Arbaca, April 26
Manchester City
Liverpool (Minani)- Sabti, April 1
Southampton (Marti)- Axad, April 9
Leicester City (Minani)- Axad, April 16
Brighton and Hove Albion (Marti)- Axad, April 23
Arsenal (Minani)- Arbaca, April 26
Fulham (Marti)- Axad, April 30
Manchester United
Newcastle United (Marti)- Axad, April 2
Brentford (Minani)- Arbaca, April 5
Everton (Minani)- Sabti, April 8
Nottingham Forest (Marti)- Sabti, April 15
Chelsea (Minani)- Sabti, April 22
Tottenham Hotspur (Marti)- Thursday, April 27
Tottenham
Southampton (Marti)- Sabti, March 18
Everton (Marti)- Isniin, April 3
Brighton and Hove Albion (Minani)- Sabti, April 8
AFC Bournemouth (Minani)- Sabti, April 15
Newcastle United (Marti)- Axad, April 23
Manchester United (Minani)- Thursday, April 27
Newcastle United
Nottingham Forest (Marti)- Jimce, March 17
Manchester United (Minani)- Axad, April 2
West Ham United (Marti)- Arbaca, April 5
Brentford (Marti)- Sabti, April 8
Aston Villa (Marti)- Sabti, April 15
Tottenham Hotspur (Minani)- Axad, April 23
Liverpool
Manchester City (Marti)- Sabti, April 1
Chelsea (Marti) – Salaasa, April 4
Arsenal (Minani) – Axad, April 9
Leeds United (Marti) – Isniin, April 17
Nottingham Forest (Minani) – Sabti, April 22
West Ham United (Marti)- Arbaca, April 26
Chelsea
Everton (Minan)
Aston Villa (Minan)
Liverpool (Minan)
Wolves (Marti)
Brighton (Minan)
Manchester United (Marti)