Xarun lagula tacaalo haweenka tacaddiyada la kulma oo laga furay Dhuusamareeb

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xaruntan oo loogu tala-galay la tacaalida Haweenka ay ku dhacaan falalka kufsiga la xiriira ayaa waxaa hirgeliyay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha Galmudug oo kaashanaysa UNDP iyo UN Women.

Munaasabada daahfurka ayaa  waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo madax ka socotay Hay’adaha Barnaamijkan Taageeray.

Warbixintan waxa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.