Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dejisay qorshe ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.
Xiddiga reer Serbia ayuu heshiiskiisa Lazio dhacayaa xagaaga 2024 taas oo la macno ah in ay kooxda Lazio iska iibinayso xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Iyada oo heshiisyada xiddigaha James Milner, Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain dhacayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan Klopp ayaa la filayaa in uu khadka dhexe xoojiyo.
Daily Mail ayaa sheegeysa in Milinkovic-Savic uu noqon karo ninka ay u jeestaan ka dib markii uu soo baxay horaantii isbuucaan in u dhaqaaqista Jude Bellingham ay haatan u muuqato mid aan macquul aheyn sababtoo ah lacagta lagu heli karo saxiixa xiddiga Borussia Dortmund.
Sida laga soo xigtay Calciomercato, Kooxda Lazio ayaa diyaar u ah in ay xiddiga khadka dhexe ku iibiso lacag dhan 44 milyan oo euro hadii uuna xiddigu heshiis cusub u saxiixin kooxda.