Baladweyne ( Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta deegaanka Gubadley ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleysatay tartanka degmooyinka iyo deegannada gobolka Banaadir kadib markii rigoorayaal 4-3 ah ay uga badiyeen kooxda degmada Warta nabadda oo finaalka tartanka ay iskugu soo hareen.
Ciyaartan ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talo galay ku soo dhamaatay barbaro 0-0 ah.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, xiririka kubadda cagta Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir , iyo boqolaal dad ah oo kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daawanayay ciyaartan.
Kooxda kubadda cagta deegaanka Gubadley ayaa noqoneysa deegaankii ugu horeeyay ee ku guuleysta tartanka degmooyinka iyo deegannada gobolka Banaadir.
Ciyaartan oo lagu qabtay garoonka Eng Yariisow (Koonis) ayaa ugu dambeyntii abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiyay ciyaartoydii ka qeyb gashay tartanka iyo hogaankooda.