Manchester United Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Mason Greenwood Xilli La Ogaaday Xiddigaha Kasoo Horjeeda Da’yarkan

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga da’da yar ee reer England ee Mason Greenwood ayaa loo sheegay, in loo ogolaanayo inuu u ciyaaro Manchester United oo uu dib u bilaabo xirfaddiisa kubadda cagta kaddib markii uu muddo sannad ah garoomada uga maqnaa kufsi lagu eedeeyey.

Mason Greenwood ayaa waxa jeelka loo taxaabay bishii February ee sannadkii hore markii ay haweenay ay saaxiibbo ahaayeen ku eedaysay inuu kufsi iyo tacadiyo kale oo jidheed u geystay.

21 jirkan ayaa dacwaddiisa ay laashay xeer ilaalintu bishii hore, laakiin Manchester United ayaa u sheegtay in aanu iman karin garoonka tababarka oo ay baadhitaan iskood ah samayn doonaan.

Sida uu wargeyska The Athletic sheegay, Manchester United ayaa waxay iska diidday dalab uga yimid kooxo reer Tukrey ah oo ay u sheegeen in ay mr kale rajaynayaan in uu u ciyaari doono marka ay xaaladdiisa baadhitana rasmi ah ku sameeyaan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warramaysa in Manchester United ay hadda albaabadeeda u furtay Mason Greenwood oo xilli ciyaareedka dambe uu qayb ka noqon doono safka tababare Erik ten Hag, balse waxay caqabad kala kulmi doonaan kooxda haweenka oo dhamaantood kasoo horjeeda in uu naadigooda wiilasha u ciyaaro xiddig ku eedaysan kufsi iyo tacaddiyo dumar.