Shirka dib u eegista qorshaha qaranka ee 9-aad oo laga furay Muqdisho

0
127

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka daahfurka dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad (2020 – 2024), oo ay kasoo qeybgaleen Golaha Horumarinta Qaranka.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa saameyn weyn ku leh jiheynta iyo kala horraysiinta hindise-yaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow iyo kuwa fog ee Soomaaliya, waxaana fulintiisa kormeera Golaha Horumarinta Qaranka oo ka kooban Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.