Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Qorsheynta maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ee maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furtay mashruuca Hirgelinta Xoojinta dhaqaalaha iyo hormarinta dadka baahiyaha gaarka qaba.
Daahfurka mashruucan ayaa waxa goob joog ahaa wasiirka wasaarada qorsheynta
maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ee maamulka Jubbaland , Wasiiro, Xildhibaano, Hayadaha ka howl gala maamulka jubbaland iyo qaar kamid shaqaalaha wasaaradaha maamulka jubbaland.
Warbixintan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey