Manchester United Oo Laga Afduubanayo Xiddiga Real Madrid Ee Uu Calmaday Erik ten Hag

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu qabsaday saxeexa xiddiga ka tirsan Real Madrid oo uu tababare Erik ten Hag doonayo inuu la saxeexdo xagaagan, amaba suuqa sannadka dambe, si uu u xaqiijiyo dibu-dhiska uu ku wado Red Devils.

Manchester United oo samaysay saddexda saxeex ee Rasmus Hojlund, Andre Onana iyo Mason Mount ayaa wali kusii jiraysa suuqa, waxaana si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat balse waxa ay mudnaanta  siinayaan khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni oo uu tababare Erik te Hag rumaysa yahay in uu waxweyn kusoo kordhin lahaa kooxdiisa.

Aurelien Tchouameni oo ay sidoo kale doonyso Liverpool, ayaa wxa kale oo kooxaha indhaha ku hayay ka mid ahyd Arsenal, hase yeeshee waxa tartanka laacibkan hadda soo gashay Bayern Munich oo la sheegay inay doonayso inay qasnaddeeda u jabiso.

Wargeyska  Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in ay wada-hadallo u socdaan Real Madrid iyo Bayern Munich oo ay ka wada-xaajoonayaan iibka laacibkan.

Thomas Tuchel ayaa waxa la sheegay in uu doonayo in uu amaah iib wadata kusoo qaata Tchoaumeni, balse Real Madrid oo sannad ka hor kusoo iibsatay 80 milyan oo Euro oo ay kaga soo qadatay Monaco, ayaa ay adag  tahay inay aqbasho dalabka Bayern Munich.