Maamulka Gobolka Banaadir oo 20 kun oo doolar ugu deeqay hooyo ku xerneyd Guriceel

0
108
Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac Baarqab oo wakiil ka ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lacag dhan 20,000$ (Labaatan kun oo dollar) oo uu ugu talagalay bixinta qeyb ka mid ah qaan lacageed oo loo heysto Hooyo Xaawa Cabdullaahi ku wareejisay Abtigeed.
Xaawa Cabdullaahi Nuur oo ah Hooyo xaamila ah ayaa loo heystaa qaan lacageed oo dhan 52,000$ waxa ayna muddo dhowr bilood ku xerneed xabsi ku yaala degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.