Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay Shirkan oo ku saabsanaa sidii go-aan looga soo saari lahaa ciyaaraha u dhiman maamul goboleedyada dalka kadib markii uu hakad galay maalmo kooban.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin loo xilsaaray agaasimka ciyaarahan ayaa laga soo saaray war saxaafadeed lagu go-aamiyay sida laga yeelayo xulka Koonfur galbeed ee tartanka isga baxay .