Afar koooxood oo iskugu soo haray tartanka kubadda cagta ee ka socda Baladweyne iyo isku aadkooda oo la soo saaray.

0
372

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Baladweyne Abshir Xaashi Weheliya oo u waramay Radio Beerlula ayaa sheegay in afar kooxood oo kala ah Irid aamin, Batroolka, SYL iyo Ileys ay iskugu soo hareen tartanka kubadda cagta ee ka socda garoonka laqanayo ee magaalada Baladweyne.

Abshir Xaashi Weheliye ayaa sidoo kale radio Beerlula uga waramay isku aadka afarta kooxood.

Sidoo kale Madaxa guddiga garsoorka gobolka Hiiraan Cabdirisaaq Cabdulle Canshuur ayaa kula dardaarmay kooxaha ka qeyb galaya tartanka inay ilaaliyaan nidaam-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here