AKHRISO: Premier League, LaLiga, Sucuudiga, Turkey Illaa Maraykanka – Ciyaartoyda Ugu Mushaharka Badan Horyaallada Waaweyn Adduunyada Oo La Shaaciyey

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waxa lasoo saaray ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaallada waaweyn ee kubadda cagta oo hadda lagu soo daray kuwa Sucuudiga iyo Maraykanka oo ay indhaha adduunyada kusoo jeediyeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Warbixin lasoo saaray, ayaa waxa ay soo bandhigtay shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaallada Yurub iyo kuwa hadda xiddigaha jiidanaya ee Sucuudiga iyo Maraykanka, waxaana ka dhax muuqda laacibiin badan oo aad qiyaasi karto, inkasta oo laga yaabo in magacyada qaarkood ay layaab kugu noqdaan.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa figta sare fadhiya Kevin de Bruyne oo Manchester City ay siiso lacag dhan £400,000 Gini toddobaadkii, laakiin horyaalka waddanka Spain ayaa waxa layaab noqotay mushaharka uu Frenkie de Jong ka qaato Barcelona.

Laacibka reer Netherlands ayaa waxa uu qaybta ugu weyn ka yahay dhibaatada dhaqaale-xumada ee haysata kooxdiisa Barcelona, sababtoo ah waxa uu ku-dhowaad laba-jibbaar ka badan yahay ciyaartoyga kusoo xiga oo ah Toni Kroos oo ugu mushahar badan Real Madrid, iyadoo De Jong uu toddobaadkii ka qaato Barcelona lacag dhan £615,682 Gini.

Horyaallada Sucuudiga, Maraykanka iyo iyo Faransiiska ayaa sida aad qiyaasi karayso, waxa ugu mushahar badan Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Kylian Mbappe, halka horyaalka Bundesliga uu hoggaaminayo Harry Kane.

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A, waxa aan shanta ugu sarraysa ku jirin xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez, balse hadda rajaynaya in heshiis cusub oo kaabiga soo saaran uu ka dhigi doono ciyaartoyga ugu sarreeya.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaallada waaweyn

Premier League – Kevin De Bruyne (Manchester City) – £400,000-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Premier League
Ciyaartoyga Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Kevin De Bruyne Manchester City £400,000 £20,800,000
Erling Haaland Manchester City £375,000 £19,500,000
Mohamed Salah Liverpool £350,000 £19,500,000
Casemiro Manchester United £350,000 £19,500,000
Raphael Varane Manchester United £340,000 £17,680,000

La Liga – Frenkie De Jong (Barcelona) – £615,682-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga
Ciyaartoyga Kooxda Mushaharka usbuuca Mushaharka Sannadkii
Frenkie De Jong Barcelona £615,682 £32,015,486
Robert Lewandowski Barcelona £444,605 £23,119,450
Toni Kroos Real Madrid £400,276 £20,814,335
David Alaba Real Madrid £369,409 £19,209,292
Luka Modric Real Madrid £359,230 £18,679,969

Bundesliga – Harry Kane (Bayern Munich) – £410,455-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Bundesliga
Ciyaartoyga Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Harry Kane Bayern Munich £410,455 £21,343,657
Manuel Neuer Bayern Munich £344,782 £17,928,672
Thomas Muller Bayern Munich £336,573 £17,501,799
Leroy Sane Bayern Munich £328,364 £17,074,926
Joshua Kimmich Bayern Munich £320,155 £16,648,053

Serie A – Dusan Vlahovic (Juventus) – £212,780-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Serie A
Ciyaartoyga Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Dusan Vlahovic Juventus £212,780 £11,064,552
Victor Osimhen Napoli £210,481 £10,945,027
Wojciech Szczesny Juventus £197,675 £10,279,105
Alex Sandro Juventus £182,406 £9,485,121
Hakan Calhanoglu Inter Milan £182,406 £9,485,121

Ligue 1 – Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) –  £1,182,110-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Ligue 1
Magaca Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Kylian Mbappe Paris Saint-Germain £1,182,110 £61,469,733
Ousmane Dembele Paris Saint-Germain £328,364 £17,074,926
Lucas Hernandez Paris Saint-Germain £311,946 £16,211,180
Marqiunhos Paris Saint-Germain £275,826 £14,342,938
Milan Skriniar Paris Saint-Germain £268,602 £13,967,289

Saudi Pro League – Cristiano Ronaldo (Al-Nassr) –  £3,283,640-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Saudi Pro League
Magaca Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Cristiano Ronaldo Al-Nassr £3,283,640 £170,749,258
Karim Benzema Al-Ittihad £1,641,820 £85,374,629
Neymar Al-Hilal £1,641,820 £85,374,629
Riyad Mahrez Al-Ahli £857,030 £44,565,556
Sadio Mane Al-Nassr £656,728 £34,149,852

Eredivisie – Jordan Henderson (Ajax) – £76,837-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Eredivisie
Ciyaartoyga Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Jordan Henderson Ajax £76,837 £3,995,533
Steven Bergwijn Ajax £75,524 £3,927,233
Steven Berghuis Ajax £65,673 £3,414,985
Hirving Lozano PSV Eindhoven £57,956 £3,013,724
Sergino Dest PSV Eindhoven £49,255 £2,561,239

Major League Soccer – Lionel Messi (Inter Miami) –  £182,630-toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Maraykanka ee Major League Soccer
Magaca Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Lionel Messi Inter Miami £182,630 £9,496,785
Lorenzo Insigne Toronto FC £114,144 £5,935,491
Xherdan Shaqiri Chicago Fire £111,861 £5,816,781
Hector Herrera Houston Dynamo £72,291 £3,759,144
Christian Benteke DC United £64,682 £3,363,445

Primeira Liga – Angel Di Maria (Benfica) – £157,943-Toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Primeira Liga
Magaca Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Angel Di Maria Benfica £157,943 £8,213,039
Juan Bernat Benfica £143,823 £7,478,818
David Neres Benfica £66,630 £3,449,135
Francisco Trincao Sporting CP £64,031 £3,329,611
Arthur Cabral Benfica £63,210 £3,286,923

Turkish Super Lig – Mauco Icardi (Galatasaray) – £164,182-Toddobaadkii

Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Turkish Super Lig
Magaca Kooxda Mushaharka usbuucii Mushaharka sannadkii
Mauro Icardi Galatasaray £164,182 £8,537,463
Fred Fenerbahce £123,136 £6,403,097
Wilfried Zaha Galatasaray £119,032 £6,189,661
Edin Dzeko Fenerbahce £114,927 £5,976,224
Dusan Tadic Fenerbahce £114,927 £5,976,224