Ardey dhameystay barashada qur’aanka kariimka oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Baladweyne.

0
372

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadaan oo ay ku qalin jibeen shan arday oo xifdiyay qur’aanka kariimka ah kana baxay dugsiga qur’aanka Al Mustaqiim oo kuyaala xaafada buundo weyne  ee magaalada Baladweyne, waxaana munaasabada qalin jibinta ah ka qeyb galay bahda wax barashada waalidiin macalimiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Maamulaha dugsiga Al Mustaqiim Macalin Yaxye Yacquub ayaa ka warbixiyay marxaladiihii kala duwan ee ay soo mareen ardeyda qalin jabisay.

Qaarka mida macalimiinta iyo waalidiintii ka qeyb galay munaasabada ayaa u hambalyeeyay ardeyda qalin jibisay ee bartay qur’aanka kariimka ah waxaaana ay kula dardaarmeen in ay sii wadaan wax barashada.

Gudoomiyaha ururka horumarinta waxbarashada  ardeyda  gobolka Hiiraan Mahad Maxamad Xasan oo ka hadlay munaasabada ayaa u hamblayeeyay ardeyda qalin jibisay.

Qaar ka mida ardeyda  qalin jibisay oo  la hadlay Radio Beerlula ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay bartaan qur’aanka kariimka ah.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here