Arsenal Oo Rikoodheyaal Ugu Kusoo Baxday Iyo Halyeyga La Baxsaday Mikel Arteta

0
111

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Koxda kubadda cagta Arsenal ayaa usoo gudubtay wareegga siddeedda tartanka Champions League, kaddib markii ay rikoodheyaal kaga adkaatay FC Porto oo ay iskula rafaadeen garoonka Emirates Stadium.

Ciyaartan oo ay Arsenal ku badisay 1-0 ayaa waxa ay natiijadeedu noqotay 1-1 maadaama ay FC Porto kusoo adkaatay 1-0 lugtii hore ee ka dhacday waddanka Portugal, taas oo keentay in 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa lagu daro ciyaarta.

Kulankan oo ay Gunners cadaadis badan saartay Porto ayaa waxa ay iyaguna la kulmeen halis badan oo kaga imanaysay kooxda martida u ahayd oo iska khasaarisay goolal ay dhalin karaysay.

Daqiiqaddii 41aad ayay Arsenal keentay goolka guushooda sababta u ahaa markaas oo kubbad uu ka shaqeeyey kabtan Martin Odegaard uu helay Leandro Trossard oo isaguna shabaqa ku hubsaday.

Goolkan ayaa noqday midka kaliya ee ka dhashay ciyaarta oo socotay 120 daqiiqadood, isla markaana ay labada kooxoodba heleen fursado ay goolal ku dhalin karayeen inkasta oo Arsenal laga diiday gool ay dhaliyeen oo lagu qaaday offside.

Rikoodheyaal loo dhigay labada kooxood ayaa waxa geesiga Arsenal iskugu cumaamaday goolhaye David Raya oo badbaadiyey laba ka mid ah afar rikoodhe oo ay tuurteen ciyaartoyda FC Porto, halka afartii tuurasho ee ugu horreeyey ay Arsenal si xarrago leh ugu dhaliyeen Odegaard, Havertz, Saka iyo Rice, waxaanay guushu rikoodheyaal 4-2 ah ku raacday Arsenal oo iska xaadirisay wareegga siddeedda Champions League.