Arsenal Oo Si Ku-meelgaadh Ah Ula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

0
167

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay sii hayn doonto illaa inta ay Manchester City ka dheelayso kulankeeda usbuucan oo loo baajiyey FA Cup oo ay semi-finalka ku garaaceen Chelsea.

Laba gool oo ay labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyeen Leandro Trossard iyo Martin Odegaard ayaa Arsenal siisay guul 2-0 ah oo ay ka gaadheen Wolves, taas oo siisay fursad ay hal dhibic ku dhaafto Manchester City oo kulankeeda la baajiyey.

Arsenal oo kusoo laabatay tubta guusha ee ay ka lumisay Bayern Munich oo Arbacadii ka reebtay tartanka Champions League ayaanay Arsenal muujinin dabbaal-deg weyn markii ay ciyaartu dhamaatay, waxaanay ahayd wax ka beddelen sidii hore looga bartay ee ay garoonka kula dabbaal-degi jireen taageereyaasha.

Inkasta oo ay Arsenal fursado dhawr ahaa heshay qaybtii hore oo uu nasiibku diiday Gabriel Jesus, Bukayo Saka iyo Trossard, haddana dhamaadka qaybta hore oo hal daqiiqo ay ka hadhsan tahay ayay Gunners heshay goolkeeda koowaad oo uu u dhaliyey xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard.

Kubbad uu Gabriel Jesus dhax keenay xerada ganaaxa oo uu dhawr difaac ah kula xafiiltamay ayuu isaga oo sii dhacaya u dhiibay Trossard oo isaga oo aan joojinin darbad xooggan ku tuuray dhinaca goolka, isla markaana ka geliyey halka ay birtu kasoo laabato.

Joao Gomes ayaa uu nasiibku diiday oo kubbad ay taageereyaasha Wolves u qaateen inay gool tahay ay kaga dhacday birta, halka fursado kale oo ay ciyaartoyda kooxdiisu heleenna uu badbaadiyey goolhaye Raya.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay qaybtii hore kala dhaliyeen, waxaase markii la isku soo noqday ay labada kooxoodba raadiyeen goolal kale.

Martin Odegaard ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta waxa uu dhaliyey goolka labaad ee Arsenal oo ka saaray cadaadis ay dareemayeen daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay haysato 74 dhibcood oo ay kaalinta koowaad ku jirto, halka kaalinta labaad ay u dhacday Man City oo Salaasada ciyaari doonta, waxaana haddii ay guuleysato ay mar kale laba dhibcood dhaafi doontaa Arsenal oo iyaduna la dheeli doonta Chelsea.